Nabaddoon Xaad: “ Puntland ma jecla Dowlad Goboleed ka dhisma Gobollada dhexe
21.06.2015 19:42Guddoomiyaha Odayaasha Gobollada Mudug iyo Galguduud Max’ed Xasan Xaad oo Wareysi siiyay Idaacaddaha ayaa sheegay in Puntalan ay ku adag tahay ogolaanshiyaha Dowlad Goboleedka laga dhisayo Cadaado ee Galmudug la magc baxday.
Xaad ayaa sheegay in Puntland aysan rabi Dowlad goboleed ka dhasha Gobollada dhexe, waxaana uu intaasi ku daray in taa baddalkeeda Dadka Gobollada dhexe ay tashadeen islamarkaana Maamu Rasmi ah ku dhisteen Degmada Cadaado.
dhinaca kale Xaad ayaa ka hadlay howlaha Baarlamaanka cusub ee Cadaado lagu shaaciyay Shalay galab waxa ay qabanayaan maanta .
waxaa uu sheegay in Kooramka uu dhan yahay islamarkaana Kaararka aqoonsiga loo sameynayo, Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu sheegay in hal Todobaad gudahiisa lagu soo gaba gabeyn doono.
———
Tillbaka