(DAAWO SAWIRADA): Dhaawacyadii u horreeyey Ciiddanka Kenya oo laga dejiyey Garoonka Wilson Airport.
17.01.2016 12:48Afar askari oo Kenyan oo ku dhaawacantay dagaalkii Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab Jimcihii hore ku dhex maray Deegaanka Ceel-cadde ayaa duhurnimaddii maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.
Taliyaha Ciiddanka Difaaca Kenya, Samson Mwathethe ayaa shaaciyey inay dagaal aan arxan lahayn la geli doonin Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya haatan Alshabaab kaga guuleysteen gudaha dalka Somalia, wuxuuna ka codsaday dadka Reer Kenya inay is-dejiyaan inta ay socdaan Hawlgalka lagu baadi-goobayo Askarta weli la la’ yahay.
Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Kenya, Raychelle Omamo ayaa iyadana Askarta dhaawaca ku booqatay Garoonka Wilson Airport, waxyna Reer Kenya ka codsatay inay is-dejiyaan iyo inay Dowladda u oggolaadaan inay qoysaska Askarta u gudbiyaan xaalladda Askarta, ka hor inta aan si rasmi ahaan loogu dhawaaqin magacyadda Askarta lagu dilay Ceel-cadde.
Ciiddanka Kenya waxay qorsheynayaan in Xarumo lagu daaweeyo Ciiddanka laga furo Degmooyinka Eldoret, Gilgil iyo Taalladda Ciiddamadad ee magaalladda Nairobi, si loogu maareeyo dhaawacyadda Askarta iyo kuwa la la’ yahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad loo hadal-hayaa in la la’ yahay Ciiddan badan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ka mid ahaa Askartii Kenyaanka ee lagu weeraray Saldhigga Ceel-cadde oo 60-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaareey.
Ciidamada Kenya ee dhawaan lagu dhaawacay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa laga soo dejiyay garoon ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi Ceel-Cadde ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta, balse dowladda kenya ayaa arrintaasi Beenissay.
Ilaa iyo haatan dowladda Kenya ma aysan sheegin tirada dhabta ah ee askarta halkaasi looga dilay ama looga dhaawacay balse Al-Shabaab waxa ay sheegayaan in ay dileen askar boqol kur u dhaafeysa.
Garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi ayaa hadda waxaa soo gaaray dhaawac ka tirsan askartii Kenya ee weerarkaasi ku soo dhaawacantay.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kenya oo ay ka mid tahay wasiirka difaaca Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa ku sugan garoonkaasi si ay u soo dhaweeyaan askarta dhaawaca ah.
Rachael Omamo, wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in dowladda marka hore ay la xiriiri doonto qoysaska askarta weerarkaasi ku dhimatay.
Waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Kenya ay wali dagaal kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabaab si ay uga soo badbaadiyaan ciidamada ay nolasha ku qabteen haddii ayba jiraan.
Kenya ayaa ku adkeysatay in asyan ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta laga xoreynayo Al-Shabaab gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay nolasha ku hayso tiro ka tirsan askarta Kenya, kuwaasi oo la qabtay kaddib mArkii sida ay sheegeen ciidamo ka tirsan guuto ay ugu magac dareen guutada Saalax Nabhaan ay saldhigga Kenya weerareeN.
Saalax Nabhaan ayaa ahaa nin Kenya u dhashay oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha urur weynaha Al-Qaacidda, waxaana duqeyn ku dilay diyaaradaha mareykanka sanadkii 2008-dii.
———
Tillbaka