DEGDEG: Magaalada Jowhar oo si rasmi ah looga furay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

12.01.2016 14:48

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa si rasmi ah uga furmay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana furitaanka shirkaasi xarigga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda furitaanka shirka waxaa ka soo qeyb galay madax, xildhibaano, ergooyin ka socda gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo dadweyne fara badan.

Xafladda lagu furayay shirka waxaa ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku booriyay ergooyinka shirka inay dedejiyaan maamulka labada gobol oo uu sheegay inay uga baxayaan baahiyaha nidaam ee labada gobol u qabaan hab maamulka federaaliga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ku garab taagan tahay ergooyinka sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha maamulka labada gobol oo uu sheegay inay soo mareen marxalado kala duwan.

“Dowladda Federaalka waxay gacan ka geysaneysaa sidii loo dhameystiri lahaa maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay qeybaha kala duwan ee bulshada labada gobol sida ay uga go’an tahay inay sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka iyo ergooyinkalabada gobol oo iyaguna ballanqaaday inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha iyo dardar gelinta maamulka gobol oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay labada gobol.

waxii warar ah ee ku soo kordha la soco insha allah.

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET