DEG DEG: Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Laga Helay Werarkii lagu qaday hotel wehliye Iyo Al-shabaab oo Sheegatay Masuuliyadda Weerarkaasi.

10.07.2015 20:26

Waxaa Caawa xiligii afarka Weerar isugu jira Ismiidaamin iyo mid toos ah rag hubeesan oo katirsan Xarakada AL-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Wehliye oo kuyaala Laamiga Maka Al-MUkarama ee Magalaada Muqdisho.


Weerarka ayaa ku biLowday GaarI waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka Hotelka, wasaana xiligaa kadib gudaha Hotelka ku cararay sadax nin oo hubeesnaa oo katirsan Al-Shabaab.

Israsasaeyn u dhaxeysay Ciidamada ilaalada Hotelka iyo ragii huBeesnaa ayaa dhismaha Hotelka ka dhacay, waxaana halkaasi u gurmaday oo gaaray Ciidam katirsan nabad Sugida Qaranka oo markii dambe howlgalka soo afjaray.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay shan kamid ah ilaalada Hotelka iyo mid kamid ah Maamulka Hotelka, waxaa sidoo kale Weerarka ku dhintay ragii Weeraray oo sadax kamid ah la dilay halka midka kalana uu is qarxiyay.



Xaalada ayaa hada ah mid dagan waxaan amaanka Hotelka la wareegay Ciidamo katirsan Hay'ada Nabad Sugida Qaranka, waxaana gabi ahaan xiran wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa dhismaha Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdsho.Wararka aan ka heleyno Dhismaha Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhaw weerarkii lagu qaaday Hotelkaasi lasoo afjaray ayna hada joogsadeen rasaastii halkaasi ka dhaceysay.

Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in lasoo afjaray weerarkii Hotelka Wehliye ay ku qaadeen rag katirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi lagu dilay ragii weerarka ku qaaday dhismaha Hotelka.

Sadax nin oo la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotelka Wehliye ayaa la toogtay, waxaana dhisamaha Hoteelka gudaha u galay Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka, Ciidamada ayaana gudaha Hotelka kasoo saaraya dadkii halkaasi ku sugnaa.

Xaalada Hotelka Wehliye iyo agagaarkiisa ayaa hada ah mid dagan, waxaana istaagay rasaastii xooga badneed ee goordhaw laga maqlayay, Weerarka isqarxinta iyo midka toos ah ee lagu qaaday Hotelka ayaa bilowday xiligii afurka.

Dhinaca kale Hotelka Siyaad ee kuyaala agagaarka Madaxtooyada ayaa isna lasoo sheegayaa in hada xaaladiisa ay tahay mid dagan, waxaana Ciidamada Nabad Sugida gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabaran ay ku guuleesteen in ay soo ajraaan weerarkii rag hubeesan ay ku galeen, waxaana la dilay iyana ragii weeraray Hoteelkaasi oon tiradooda la sheegin.

Qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhacay labada Hotel ee Goordhaw weerarka lagu qaaday, walina si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday iyo in ay ku jiraan dadka wax gaaray xubno katirsan Dowlada oo la rumeesan yahay in Hoteeladaasi ay dagnaayeen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada runtanews.net
Muqdisho Somalia
ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET