Deg Deg: Calanka iyo Magaca Maamulka G/dhexe oo la shaaciyay
28.05.2015 21:47
Warar hadda ka imaanay Cadado ayaa sheegaya in Gudiga Farsamada ee Maamul usameynta Gobolada dhaxe Ay soo bandhigeen Magaca iyo calanka uu yeelan doono maamulka Gobolada dhaxe
Gudiga Farsamada ee Maamul usmaeynta Gobolada dhaxe ee dalka soomaaliya ayaa sheegay in Magaca la qaatay uu yahay Galmudug halka Calankane uu yahay midka hoos ka Muuqda
Sidoo kale Gudiga Farsmada ee Maamul usameynta Gobolada dhaxe ayaa sheegay in 300 qof oo ka mid ah noqonaya ergada Maamul usmaeynta Gobolada dhaxe hadda la xareyay iyadoona dhinac kale sheegay inta dhiman in sacadaha soo socda la soo xareyn doono
inkastoo calanka iyo Magaca uu Yahay mid tala soco Jeedin ah ayaa haddane waxaa la filayaa in la horgeeyo ergada si ay uga doodaan
Wixii ku Soo Kordha kala soco runtanews.net insha allah.
warar sugan kala soco
kala soco runtanews.net
———
Tillbaka