DEG DEG: C/kariin Xuseen Guuleed oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

04.07.2015 13:36

Cabdikariin GuuleedWaxaa Goordhaw soo dhamaatay tirinta Codadka Doorashada Wareega Sadaxaad ay ku tartamayeen labada Musharax ee kala ah Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi 
.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa sheegay in Musharax Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo helay codad gaaraya 49 .halka Musharax Axmed Macalin Fiqi oo isna helay codad gaaraya 40.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaana si rasmi ah u shaaciyay in doorashada ay soo gaba gabooday uuna Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ku guuleestay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Galmudug .

Waxaana lagu kala baxayay Doorashada sida Sharciga ah Cod hal dheeri ah 50+1 maadaama tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay yihiin 89-Xidhibaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco wararkaga Dambe Daqiiqad daqiiqad Insha Allah

 
warar sugan kala soco runtanews.net
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode