Deg Deg: Al Shabab oo Leego Ka Afduubatay 23 Sarkaal oo Dowladda ka tirsan
26.06.2015 18:53Xoogaga Ururka Al Shabaab oo saakay weerar ballaaran ku qaaday Saldhiga Ciidanka Amisom ee Deegaanka Leego, ayaa waxay ku dileen 70 ka mid ah Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom.
Xoogaga Al Shabaab, ayaa Salaaddii Subax ka dib weerar qarax gaari loo adeegsaday ku galay Xerada Ciidanka Burundi, waxaana xigay ciidan xoog badan leh oo ku dhaqaaqay Xeradaasi, kuwaa oo ay u suurta gashay inay Xerada go’doomiyan.
Shabaab, ayaa xoog kula wareegay Xerada Ciidanka Burundi, waxaa kaloo u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan saad militari, oo qayb ay ka yihiin gaadiidka dagaalka. Shabaabka waxay kaloo nolosha ku qabteen Saraakiil Amisom iyo Dowladda ka tirsan.
Waxaa kaloo soo baxaaya Shabaabku inay gacanta ku dhigeen Gudoomiyaha Deegaanka Leego, Abuukar C/laahi Isxaaq (Al Cadaala) iyo Wasiir Ku Xigeenka Maleeshiyada iyo Hub Ka Dhigista Maamulka Koonfur Galbeed, Cumar Dheere.
Sidoo kale waxay Shabaabku horey u sii kaxeysteen ganacsato yar yar oo ka tirsan kuwa ku nool Deegaanka Leego, ilaa iyo hadda lama garanaayo halka ay ula dhaqaaqeen ganacsatadaasi.
Shabaabka oo weli ku sugan Deegaanka Leego, ayaa waxay ku dileen 13 ka mid ah dumarka Deegaanka, kuwaa oo ay si dhow ugu eedeeyen in gacan saar la lahaayen Amisom. Laba ka mid ah dumarka la dilay, ayaa Xerada Amisom ku haystay goob ganacsi.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa qiray Shabaabku inay weerar xoog badan lihi ku soo qaadeen Deegaanka Leego, ilaa iyo hadana ay ku sugan yihiin Leego.
Gudoomiyaha, ayaa ku waramaaya in Shabaabku ay khasaaro buuran u gaysteen Ciidanka Amisom, ayna qafaasheen Saraakiil ka kala tirsan Dowladda, Amisom, Maamulka Koonfur Galbeed iyo ganacsato reer Leego ah.
Arrinta layaabka leh, ayaa waxaa weeeye, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay isaga carareen Xero Militari oo ku dhow Deegaanka Leego, markii ay garowsadeen Shabaabku inay la wareegen Saldhigii Amisom ee Leego.
Weerarkan, ayaa ku soo beegmaaya, iyadoo 11-kii bishan ay Ururka Al Shabaab weerar ballaaran ku qaadeen Ciidamada Amisom ee Itoobiya ka tirsan, xilli ay sahay u wadeen Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Weerarkan wuxuu ku qabsaday Deegaanka Buulo Jameeco oo 20km u jirta Buurhakaba.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka