Deg Deg: Ahlu Sunna oo La Wareegtay Dhuusamareeb

07.06.2015 13:25

Waxaa saakay aroor hore ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Maleeshiyaadka Ahlu Sunna Waljameeca ee Weerar ku qaadeen Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, waxa ayna Magaaladaasi dagaal kula galeen Ciidamada Dowlada oo horey u maamulayay.

Maleeshiyaadka Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Magaalada Dhuuso Mareeb kadib markii dagaal looga saaray Ciidamadii Dowlada ee halkaasi ku sugnaa, xaalada Magaalada ayaana hada u muuqta mid xoogaa dagan balse uu isbadal maamul ka dhacay Magaaladaasi.

Xarumaha Muhiimka ee Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa lagu arkayaa Maleeshiyaad hubeesan oo katirsan Ahlu Suunna, waxa ayna xoogaga hubeesan gudaha u galeen ayna baaritaan ku sameeyeen xarumihii iyo guriyihi kale ay dagnaayeen Gudoomiyaha Gobolka iyo maamulka Magaalada.

Ciidamadii Dowlada iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Galgaduud ee saakay laga saaray Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Magaalada Cadaado uu hada kasocdo shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe.

Magaalada Cadaado waxaa goordhaw gaaray Ciidamo iyo gawaari dagaal oo ka baxay Magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiinta la socota la dajiyay qeybo kamid ah Magaalada Cadaado.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaari ay wateen Ciidamada Dowlada ee laga saaray Magaalada Dhuuso Mareeb uu ku rogmaday agagaarka Magaalada cadaado, waxaana shilkan uu qasaare kala duwan kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamadii gaariga saarnaa.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala Soco Wararkayaga Dambe Insha allah.

warar sugan kala soco

shabakada calamiga

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET