DAWLADA OO SOO BANDHIGTAY SAWIRADA QAARKAMIDA KOOXDII WEERARTAY HOTEL MAKA AL MUKARAMA
28.03.2015 06:34Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Meydadka Seddax nin oo ka mid ahaa ragii weerarka ka geystay Hotelka Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyo wasiirka Difaaca Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa tagay Hotelka Makka Al-mukarrama, waxaana ay kormeereen qeybaha uu Hotelka ka kooban yahay.
Wasiirka warfaafinta oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen 6 qof, ayna is qarxiyeen Laba ruux, sidoo kalena ay ciidanka toogteen Afarta kale.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in halkasi ay ku dhimatay 14 qof oo Laba ka mid ah ka tirsanaayeen dowladda sidoo kalena ay ciidamada badbaadiyeen dad ka badan 50 qof.
Maareeye ayaa tilmaamay in xilli walba dowladda ay feejigan tahay, islamarkaana ay ciidamada u diyaarsanyihiin sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab, ugana hortagaan weerarada sidaan oo kale ah.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
kala soco runtanews.net
nagala soo xiriira ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka