Dagaalka magaalada Gaalkacyo ee Puntland & Galmudug

03.12.2015 21:04
  • 3 Saacadood ka hor

Magaalada Gaalkacyo ee Soomaaliya, waxaa maanta barqadii ka bilowday dagaal, inkastoo shalay la gaaray heshiis nabadeed.

Waxaa dagaalamay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Tan iyo intii collaaddu bilaabatay aakhirkii bishii hore, magaalada waxaa ka qaxay dad gaaraya 40 kun qof.

Wararkii u dambeeyey, ayaanu ka waraysannay xaaladda iyo dagaalka maanta mas'uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug, balse aan ku bilowno wariye madax banaan oo goob joog u ahaa dagaalkii maanta, Mohamed Jaamac Faarah.

Labada dhinaca ee Puntland iyo Galmudug, ayaa midba kan kale uu ku eedeeyay in uu dib u bilaabashada dagaalka uu mas'uul ka yahay.

Haddaba, waxaanu la xiriirnay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde, oo nooga warramay xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo cidda dagaalka bilowday?

Isla telefoonka Gaalkacyo, ayaanu kul xiriirnay Wasiirka Warfaafinta Gal-Muddug, oo aanu waydiiyey sababta dagaalku dib uga qarxay Gaalkacyo.

Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in in ay madaxwaynaha Puntland iyo Galmudug dib loo kulansiiyay oo ay mar kale heshiis ku gaareen in xabadda la joojiyo.

xigasho bbcsomali

warar sugan kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET