DADKA SWEDAN OO SOOGALOOTIGA U ARKA WAX WANAAGSAN.
16.03.2015 14:16Tobankii qof ee Iswiidhish ah lix ayaa aaminsan in soogalootiga uu yahay mid u fiican waddanka.
Sidaas si lamid ah ayaa in kale oo badan iyaguna waxay aamisan yihiin in isdhexgalka bulshadu yahay mid tayo ahaan aad u liita, sida ay muujisay ra'ayi uruurin ay qaaday Ipsos oo ay u samaysay wargeyska DN (Dagens Nyheter).
Natiijada ra’yi aruurinta ayaa muujineysa in dadka Sweden ay intooda badan ku qanacsan yahiin soogalootiga Sweden imaanya balse ay saluugsan yahiin sidaayadda isdhexgalka.
Waddaka soogaalotiga u arka in ay u fiican tahay dalka ayaa qaba in soogalootiga dalka ku soo kordhinayo muruq shaqo oo sii hagaajin kara dhaqaalaha dalka. Badanaa haweenka ayaa u badan dadka u arka soogalootiga wax wanaagsan. Dhallinyarada ayaa sidoo kale u arka soogalootiga wax wanaagsan marka loo barbardhigo dadka waaweyn.
Dhanka kale ra’yi aruurintan ayaa dadka lagu wareystay welwel waxay ka muujiyeen soo badashada shisheeye diidnimada, boqolkii 77 ayaa welwel arrintan ka muujisay.
Saddex meellood meel ayaa ra’yi aruurintan ku sheegay in rabi lahaayeen in Sweden in ay yareyso qaabilaada qaxootiga.
Xigasho Somaliska Radio
———
Tillbaka