Dableydii weerartay Jaamacada Garissa waxeey ahaayeen Kenyan sida laga soo xigtay sirdoonka kenya

18.04.2015 00:13

gstDhammaan afartii ruux ee weerartay Jaamacaa Garissa horaantii bishan isla markaana lala xiriirinayay ururka Alshabaab ayaa la sheegay in ay ahaayeen muwaadiniin Kenyan ah.

Maleeshiyadii weerartay Jaamacada ku tiil Waqoyi Bari dalka Kenya 2dii bisha April ayaa waxa ay ku dileen illaa iyo 148 ruux oo xilligaas ku sugneyd gudaha jaamacada Garissa tiro kalana waa ay dhaawaceen.

Mid ka mid ah afarta ruux ee weerarka fulisay oo ay dileen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Kenya ayaa la ogaaday in la yiraahdo Cabdraxman Cabdullahi oo ah muwaadin Kenyan ah oo ku taqasusay cilmiga sharciyada.

Hase ahaatee sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP iyadoo soo xiganaysa wargeyska caanka ah ee dalka Kenya ee DailyNation oo isagana soo xigtay warbixin sirdoonka aan la magacaabin ayaa sheegeysa in saddexda ruux ee kale weerarkana lagu diley ay ahaayeen muwaadiniin Kenyan oo ka soo jeeda gobolka xeebta ee Mombasa iyo degmo ku taal galbeedka Kenya ee Bungoma.

Wargeyska Nation ayaa sheegay in cadeynta ragga weerarka geystey la xaqiijin doono marka la soo gabagabeeyo baaritaan dhinaca faraha ah oo weli ay sirdoonka Kenya sameynayaan.

Hase ahaatee Booliska Kenya ayaan weli jawaab ka bixin warbixintan soo baxday.
Weerarka kadib ayaa Madaxweyne Kenyatta waxaa uu sheegay in argagaxisada ay xiddido ku dhex leedahay dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa ku xirtay lacag gaareysa $215,000 (200,000 euro) mid ka mid ah taliyaasha ururka Alshabaab Mohamed Mohamud oo ku dhashay dalka Kenya macalina ka soo noqday.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa waxa ay rumeysan yihiin in haddii ay dhabowdo in afarta ruux ee weerarka ka geysatay jaamacada Garissa ay ahaayeen muwaadiniin Kenyan ah in ay dhabar jab ku noqon karto go’aanadii ay sida degdegta ah ku gaartay xukuumada Kenya ee ahaa xayiraada xawilaadaha Soomaalida iyo sidoo kale amarka ah in muddo saddex bilood ah ay ugaga guuraan qaxootiga ku nool Dhadhaab.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET