DAAWO SIDA LOOGU SOO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA SOMALIYA IYO JABUUTI MAGALADA BELEDWEYNE

25.02.2015 21:54

Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Jabuuti, ayaa maanta booqasho rasmi ah waxay ku taggeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Labada Madaxweyne waxay ka amba baxeen Magaalada Muqdisho.

Madaxda waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Duulimaadyada Ugaas Khaliif, oo ku yaala duleedka Magaalada Baladweyne. Waxaana ku soo dhaweeyay Saraakiiisha Ciidamada Dowladda, Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Amisom iyo dadweyne fara badan, oo isugu soo baxay Garoonka.

Madaxdu waxay kormeer ku tagtey Xerada Ciidamada Jabuuti ka degan yihiin Ceeljaale, halkaasoo ay kulamo kula qaateen Saraakiisha Amisom. Lama garanaayo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Sidoo kale waxay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka, waxayna kala hadleen arrimo badan, oo ay ugu muhiimsan tahay, sidii lagu soo afjari lahaa dagaal beeleedyada ku soo noq noqday Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay inay dhibtay oo uu ka jooggi waayay, dagaalka beeleedyada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, isagoona weydiistay inay nabadda qaataan.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ay Gobolka Hiiraan u jooggaan, sidii dadka deegaanka looga dul qaadi lahaa mintidiinta Al Shabaab, isla-markaana aan loo baahnayn iyagoo joogga, inay wada dagaalamaan dadkii deegaanka.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Marti ayaan idin ahay, martidana waala siiyaa waxay rabaan. Anna waxaa rabaa nabad in lee siiyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka uu ku boorinaayo inay u istaagaan, sidii looga gudbi lahaa dagaal beeleedyada ku soo laabtay Gobolkaasi.

Madaxweyne Geele, ayaa waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in uu ka amba baxo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka dib safar muddo laba cisho qaatay, oo Somaliya uu ku joogay.

Baladweyne Baladweyne1 Baladweyne2 Baladweyne3 Baladweyne4 Baladweyne5 Baladweyne6 Baladweyne7 Baladweyne8 Baladweyne9 Baladweyne10 Baladweyne11 Baladweyne13 Baladweyne14

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET