Daawo Sawiro Cusub oo laga soo qaaday Weerarkii Ismiidaamin ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Garawe
20.04.2015 20:07Waxaa saakay qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay ay ku leeyahay Magaalada Garoow ee Xarunta Maamulka Puntilnad, waxaana qaraxan ku dhintay shaqaalo badan oo katirsanaa UN-ka.
Qaraxa ayaa ka dhac dhaxay Gaari ay la socdeen shaqaale katirsan Hay'ada Qaramada Midoobay oo isugu jira Soomaaliya iyo ajaaniib, waxaana Warar soo baxaya sheegayaa in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah uu ka dambeeyay ruux gaariga wax ka saarnaa.
Inta la xaqiijiyay 7-qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-qof oo kale , waxaana afar kamid ah dadka dhintay la sheegay in ay ahaayeen ajaaniib Qaramada Midoobay u shaeenayay, halka sadax kalana ay Soomaali ahaayeen uu ku jiro ruuxa looga shakisan yahay in uu is qarxiyay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar Layli oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaritaan ku wadaan qaraxan saakay ka dhacay Garawe, waxa uuna tilmaamay in qaraxan uu yahay mid ismiidaamin ah.
Taliyaha ayaa xusay in baaris ay sameeyeen ku ogaadeen in qof ka mid dadka dhintay uu jirkiisu go'go’ay uu isku dhex qarxiyey gaariga, waxa uuna intaa raaciyay in xubnaha qofka looga shakisan yahay in uu is qarxiyay ay ciidamada hayaan, inkastoo uusan cadeyn in uu ruuxasai kamid ahaa Shaqaalaha UN-ka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Qaraxn lagu dilay shaqaale katirsanaa Hay'adaha UN-ka , waxaana War qoraal ah oo kasoo baxay Shabaab lagu sheegay in weerarka qaraxa ah ay iyagu ka dambeeyeen ayna beegsadeen shaqaalaha UN_ka iyagoo xusay in ay qaraxaasi ku dileen 10 qof oo u badan ajaanib caddaan Iyo madow ah iyo dhaawaca tiro kale.
Qaraxan saakay lagu weeraray Shaqaalaha UN-ka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ka dhaca Magaalada Garawe , waxaana qaraxan maanta uu saameyn badan ku yeeshay Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntiland.
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka