Daawo: Sawiradda Madaxweynaha oo Kormeeray Arday Imtixaanka Dugsiga Sarre ku jirta

18.06.2015 20:59
 

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiista maanta ah waxa uu kormeeray qaar ka mid ah goobaha lagu qaadaayo imtixaanada mideysan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynah,a ayaa kormeer uu ugu kuurgelaayo habsami u socodka imtixaankaasi maanta ku tegey dugsiga Yaasiin Cusmaan oo ka mid ah goobaha imtixankaasi uu ka dhacayo.

Madaxweynaha, ayaa ku ammaaney Wasaaradda Waxbarashada hirgelinta imtixaanka mideysan ee shahaaddada dugsiga sare oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho.

“Waa bilow fiican, waxaana rajeynayaa in mustaqbalka ay wasaaradda ku guuleysato inay si habsami leh u maareyso imtixaanaadka heerka qaran oo dhan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha, ayaa intii uu kormeerka ku jirey waxaa uu warbixin ku saabsan qaabka uu imtixaanka u socdo ka dhegeystey Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali.

 
 
 

 

 

 

 

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode