Daawo Sawirada:Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay tirada dadka Soomaaliyeed

26.05.2015 19:47

Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaliya ayaa Maanta munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigtay natiijadda sahanka qiyaasta tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku nool xiligaan 18 gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay.

Munaasabada lagu soo bandhigayay Tirada dadka Soomaaliyeed ee xiligan kunool Gobolada Dalka Soomaaliya waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte , Wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga Cabdi Raxmaan Ceynte ,Masuliyiin iyo marti sharaf kale.

Sahankaani oo ay samaysay wasaaradda qorshaynta sanadka 2013-2014 aya lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliyeed in ay yihiin 12.3 Milyan oo 51 % ay yihiin rag halka dhalinyaro da’doodu ka hoosayso 35 sano ay yihiin 75 % tiradda dadka dalka gudahiisa ku barkacay waxaa lagu sheegay 9 %, 26 % waa reer miyi waxaa xusid mudan in dadka qiyaasta la sameeyey aysan ku jirin Soomaalida ku nool dalka dibadiisa .

5 Gobol ee ugu dadka badan ayaa kala ah; 1: gobolka Banaadir,2:gobolka Waqooyi Galbeed , 3: Shabeelaha Hoose 4: Baay iyo Tagdheer , halka shanta gobol ee ugu dad yar ay kala yihiin; goboladda Sool,Jubadda Dhexe ,Bakool,Nugaal iyo Jubda Hoose.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Cabdiraxaan Yusuuf Cali Ceyte ayaa tilmaamay qiyaasta lagu sameeyey tiradda dadka Soomaaliyeed an lagu saleyn siyaasad balse lagu saleeyey cilmi.

“Tiro koobani ma ahan mid xog ku saleysan siyaasad waa mid cilmi iyo aqoon ku saleysan si cilmi iyo aqoon ku saleysan ayaana loo aruuriyay loona soo bandhigay, marka waa in la isku khaldin wixii cilmi ah bahashana aan la siyaasadeyn, macanaheeduna ma ahan in wax kastaba ay saxan yihiin 100% talaabada xigtana waxaa ay tahay in xogtan lagu laabto la soo turxaanbixiyo laga doodo goboloda ay isku yimaadaan wixii khalad ah laga saxo” .ayuu yiri wasiirka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in maanta la helo xogta tiradda umadda Soomaaliyeed la xariirta , ayna sahlayso in ay 2016 la qabti doorashooyin.

“Waxaa kale oo iyadana jirta waxaa la gala marxalad cusub oo ah 2016 xitaa hadii la yiraahdo doorasho ayaa la galayaaan waxaa loo baahanyahay wax laga duulo ayay noqoneysaa oo aan la dhihin intaas ayaa meesha ku nool laakiin waxaa imaan karta meel laga duuli karo”. waxaa sidaa yiri Carte.

Dad badan ayaa isweediinaya sida ay Macquulku tahay tiradan dadka Soomaaliyeed ee soo gudbisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Maadama Dowlada Soomaaliya aysan gacanta ku heyna ayna tagi tagin inta badan Gobolada Dalka Soomaaliya.

dadka tiro_1 tiro_2 tiro_4 tiro_5 tiro_6 tiro_7

 

warar sugan kala soco

shabakada calamiga

runtanews.net

nagala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET