Daawo Sawirada'' Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo shirkii maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo
05.12.2015 00:22Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka dhacay shir ay kuwada kulmayeen Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana shirkaasi marqaati ka ahaa Ra'isulwasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal dhaqmeed iyo Culimaa'udiin.
Shirka ayaa ahaa mid lagu sii ambaqaadayay Heshiiskii burburay ee laba maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland.
Shirka oo ka dhacay garoonka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa leysku weedaarsaday arimo badan iyadoona ugu danbeyntii Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland lagu heshiisiiyay.
Labada Madaxweyne Goboleed ayaa inta uu shirka socday ballanqaaden inay xoojin doonaan Heshiis, islamarkaana ay si wada jir ah uga hortagi doonaan dagaal danbe oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo.
Muhiimada kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa in kulanka la isugu keeno saraakiisha ciidamada ee kala hogaaminayey iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa qaabkii loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya si loo helo nabad buuxda oo ka dhaqan gesha magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.
Ciidamada is horfadhiyay ayaa kulanka kadib la kala qaaday sida ay kusoo waramayaan dad goobjoog ahaa, waxaana dib loogu celshay xarumihii ay horay uga howlgali jireen.
Kulanka ayaa wali ah mid qabyo waxaana lagu wadaa in maalinta bari ah laga sii wado halka uumaanta ku hakaday.
Madaxda Dowlada Somalia iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Caawa ku hoyanaaya magaalada Gaalkacyo.
Xafiiska Shabakada runtanews.net
———
Tillbaka