Daawo Sawirada Sida Ra'isul wasaaraha dalka loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo
21.06.2015 19:17Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa manta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiskiisa iyo qaar kamid ah Wasiiru dowlayaal, xildhibaano iyo Siyaasiyiin.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ku xigeenadiisa iyo Mas’uuliyiin ka kala tirsanaa labada gole ee Maamulkaasi.
Waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Maamulka waxa uuna halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka iyaga oo kawada hadlay qaabka ugu sahlan ee looga gudbi karo Khilaafka Maamulka kala dhexeeya Dowlada Somalia.
Kulanka ayaa waxaa banana jog ka ahaa saxaafada madaxa-banaan waxaana la tilmaamayaa in ujeedka kulanka uu ahaa kaliya mid ku saleysnaa arrimaha Khilaafka.
Xafiiska Shabakada runtanews.net
Muqdisho Somalia
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka