Daawo Sawirada'' Sida quruxda badan ee Taliyaha Booliska Soomaaliyeed loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

06.11.2015 22:15

Sareeya Gaas, Maxamed Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Dalka Ruwanda uga soo qeybgalay shirka booliska Addunka ee interbol oo Sanadkan lagu qabtay magaalada Kigali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Max’ed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Magaalada Kigali ee Caasimadda dlaka Burundi waxa uu kula kulmay Taliyaha Booliska Caalamiga ah ee Interpol Jogan Istock .

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo dib u dhiska Boliiska Soomaaliyeed si ay ugu guuleystaan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida dalka.

Sidoo kale Taliyayaasha ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid tahay in deymaha laga Cafiyo Boliiska Soomaaliya sababo ku aadan dhaqaalo xumida ka jirta waddanka aawgeed.

Taliyaha Interpol ayaa u ballan qaaday Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed in ay siinayaan Tababarro fiican oo ka teegeera sugida Nabad gelyada.









 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET