Daawo Sawirada'' Sida quruxda badan ee madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso
07.01.2016 22:48Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi ballaaran ee uu hoggaaminaayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.
Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro Garoonka magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo masuuliyiin ka kala tirsanaa labada gole ee maamulka.
Madaxwaynaha ayaa inta uu goroonka ku sugnaa Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland, waxaana loo gudbiyay madaxtooyada maamulka Puntland.
Madaxweyne Xassan ayaa maalinta bari ah furi doona Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi ku sugan siyaasiyiin, aqoonyahano iyo madaxda dalka waxaana dhamaantood lagu sharfay ka qeyb galka furitaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
———
Tillbaka