Daawo Sawirada'' Sida quruxda badan ee Madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne
18.02.2016 21:21Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Booqasho ku gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, iyo Nafiso Geedi Santuur oo ka soctay xafiiska R/wasaaraha Somalia.
Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan, oo diiday ka qeyb galka shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socday magaalada Jowhar.
Ujeedka ugu weyn socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in Odayaasha Beelaha Degan Hiiraan uu ka dalbado inay ku laabtaan Magaalada Jowhar si hakatka looga saaro shirka halkaasi ka socda.
Waxaa madaxweynaha la socda oo arrintan ku gacan siinaya xubnaha beelaha dega gobolka ugu jira dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Somalia ayaa kulan gaar ahaa oo arrintan ku saabsan la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo saacado badan ay kawada Hadllayeen Qorshaha Dhismaha Maamulka labada Gobol.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka