Daawo Sawirada Shirkii Muqdisho oo lagu heshiiyay qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka iyo aqalka sare

28.01.2016 04:39

Waxaa goordhaw Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira ku heshiiyeen qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo aqalka sare ee odayaasha marka xiligeedu dhamaado Dowlada hada jirta.

Wadahadalo la isku mari waayay saacado badana qaatay ayaa ugu dambeyn madaxda Soomaalida caawa isku raaceen in Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo xulo nidaamka 4.5 halka aqalka sare lagu soo xulayo qaab gobol oo ah 18-ka gobo lee dalka.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadisay Madaxda Maamulada dalka in ay go’aan gaaraan ayna isku tanaasulaan, waxaana ugu dambeyn madaxda ay qaateen cadaadiska beesha caalamka iyaga oo isku raacay qaabka loo soo xulayo baarlamaanka iyo aqalka sare.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntiland uusan ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay shirka madasha wadashiga qaran, hasa ahaatee saaxiibkii Sheekh Axmed Madoobe ayaa dhabarka jeediyay kaa oo aqbalay in Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka 4.5.


Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyagu u riyaaqay go’aanka kasoo baxay shirka madasha wadatashiga qaran, waxaa sidoo kale go;aankan ku qanacsan madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya, halka maamulada Jubbaland iyo Puntilanda ay go;aankan raaceen iyaga oon ku faraxsaneyn.

Beesha Caalamka ayaa durba taageertay soona dhaweysay go'aanka ay wada gaareyn Madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka , waxa ayna beesha caalamka horey ugu qabatay Madaxda Soomaalida in ay go'aan gaaraan kahor 28-ka bishan oo beri ku beegan.

Madaxweynaha


Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah





 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET