Daawo Sawirada'' Shirkii Kismaayo oo Natiijo la'aan kusoo dhamaaday iyo Madaxda oo kasoo tageysa...
16.01.2016 11:52Shirkii Madasha wada tashiga qaran ee ka socday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in uu soo xirmay, iyada oo wax natiijo la taaban karo uusan kasoo bixin Shirkaasi.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa Federaalka aysan isku afgaran qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkaasi looga doodayay ay ugu horeesay nidaamka lagu soo xulayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxda Maamul gpboleedyada dalka ayaa wali isku afgaran la' nidaamka loo soo xulayo Baarlamaanka , Hogaamiyaasha Jubbaland iyo Puntiland ayaa ku dhagan in Baarlamaanka lagu soo xulayo qaab deegaan halka Hogaamiyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyana rabaan nidaamka 4.5.
Qodobada kale ee la isku afgaran waayay ayaa waxaa kamid ah sida loo soo xulayo aqalka sare ee Odayaasha, Maamulada shirka ka qeyb galay ayaa iyana u kala qeyb samay in lagu soo xulo aqalkaasi qaab deegaan iyo qaabka qabaa'ilka ee 4.5.
Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Shirka ka qeyb galeysa ayaa dhankooda labada garab ee Maamulada midba hal qodob ku taageeray, waxa ayna Madaxada taageersan yihiin in Baarlamaanka lagusoo xulo 4.5, halka Aqalka Sare ee Odayaasha iyana lagu soo xulo qaab degmo.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee labadii maalin ee lasoo dhaafay kasocday Magaalada Kismaayo ayaa u muuqda mid aan natiijo wanagasan aysan kasoo bixin, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in maanta laga yaabo in Kismaayo ay isaga soo tagaan qaar kamid ah Madaxdii shirka ka qeyb galeysay.
Wali War-Murtiyeed lagama soo saarin shirkii kasocday Magaalada Kismaayo, waxaana suurto gal ah in goor dambe lasoo saaro War-murtiyeed dadka loogu sheegayo in in Shirar kale oo lagu dhameestirayo shirkan la isugu imaan doono si looga doodo nidaamka Doorasho ee dalka ka dhaceysa.
Xubnaha Beesaha Caalamka ee la filayay in shirkan ka qeyb galaan ayaan suurtoobin in shirkan goob joog ka ahaadaan, waxaa inta badan Beesha Caalamka looga bartay in ay ka qeyb galaan Shirarka Soomalaida iyaga oona ku qasbi jiray Hogaamiyaasha Soomalaalida in ay is fahan gaaraan .
Waxaa Habeenimadii xalay Magaalada Kismaayo lagu qabtay Xaflad casho oo u muuqatay mid lagu soo gunaanadayay shirkii kasocday Magaalada Kismaayo, waxaana xafladaasi hadalo kala duwan ka jeediyay Madaxda Dowlada iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira.
Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa hore u sheegay in shirkan uusan kasoo baxeyn wax natiijo ah, maadama maamulada dalka ka jira ay labo garab u kala qeyb san yihiin qola walbana ay ku dhagan tahay rabitaankeeda taa oo caqabad ku noqoneysa in la helo rabitaanka danta guud.
———
Tillbaka