Daawo Sawirada'' Shirkii Arimaha Somalia oo lasoo gabo gabeeyay iyo go'aano laga soo saaray
24.02.2016 20:39Wararka ka imaanaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in goordhaw lasoo gabo gabeeyay shirkii heerka sare ee looga hadlayay Arimaha Soomaaliya iyo taageerada la siinayo Dowlada Federaalka.
Shirka waxaa maalintii shalay si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, waxaana shirka kasoo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyada dalka, Qaramada midoobay iyo wakiilo kasocday Beesha Caalamka iyo Hay'ado caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye. ayaa sheegay in Shirka lasoo gabo gabeeyay lagana soo saaray go'aano dhoor ah lagu taageerayay Dowlada Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in la isla gartay in Dowlada la siiyo taageero caalami ah.
Waxa uu sheegay Wasiirka in la taageeray nidaamka looga gudbayo xiliga kala guurka sanadkan 2016-ka, waxa uuna intaa raaciyay in caalamka ay qireen in Dowlada Soomaaliya ay guulo ka gaartay dhinacyo kala duwan sida la dagaalanka argagaxisada iyo arimo kale.
Shirka heerka sare ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in goordhaw laga soo saaro War-murtiyeed lagu faah faahinayo go'aanadii kasoo baxay shirkii magaalada Istanbuul kasocday labadii maalin ee lasoo dhaafay
Waxii Warar ah iyo War-murtiyeedka laga soo saaro shirka lasoco Goordhaw Insha Allah
———
Tillbaka