Daawo Sawirada Saraakiil katirsan AMISOM oo tagay Xarunta lagu qabanayo Shirka Maamul usameynta Gobolada Dhaxe

08.03.2015 13:15

27.02.2015 09:38

Waxaa Magaalada Cadaado oo ah goobta loo qorsheeyay in lagu qabto shirka maamul usameynta Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya kormeer ku tagay Saraakiil katirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Saraakiishan AMISOM kasocotay waxaa Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay madaxda sare ee maamulka Ximin iyo Xeeb, kuwaa oo saraakiisha soo tusay halka loogu tala galay in lagu qabto shirka maamulka loogu dhisayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Saraakiisha AMISOM kasocotay ee tagay Magaalada Cadaado ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay sida halkaasi lagu geyn karo Ciidamo kasocda AMISOM iyo goobaha la dajinayo hadii ay suurto gasho in la geeyo Ciidamo AMISOM kasocda Cadaado.

Magaalada Muqdisho ayey dib ugu soo laabteen saraakiisha AMISOM katirsan ee gaaray Magaalada Cadaado, kuwaa oo madaxda ka sareysa u gudbin doona xogaha ay kasoo aruuriyeen Magaaladaasi oo la qorsheeyay in dhawaan lagu qabsho shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug.












Shabakada Runtanews.net
Xafiiska Swedan.
ganeyte5@gmail.com

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET