DAAWO SAWIRADA R/WASAARE KU XIGENKA SOMALIYA OO KA SOO BOGSOODAY DHAAWICII KA SOO GAARAY WEERARKII ISMIIDAAMINTA EE HOTEL CENTREL KU QAADEEN KOOXDA AL-SHABAAB
01.04.2015 15:48Ra’izul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka soo bogsooday dhaawac 20-kii bisha Febraayo ee sanadkan kasoo garay Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.
Dhaawaca R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa loo qaday Dalka Turkiga si loogu daweeyo isbitaal kuyaala Dalkaasi, waxaana hada xaalada R/Wasarae kuxigeenka ay tahay mid wanaagsan waxa uuna ka baxay isbitaalkii lagu daweenayay.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa Magaalada Ankara kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Turkiga Numan Kurtulus, waxa ayna kawada hadleen labada masuul xariirka u dhaxeeya Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.
Maxamed Cumar Carte , ayaa la filayaa in dhawaan uu kusoo laabto Magaalada Muqdisho, waxa uuna masuulkan kamid ahaa dadkii ku dhawacmay weerarkii Hotelka Central lagu qaaday xili Salaad jimco laga soo baxay 20-kii Febraayo , waxna weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhafaya 30-ruux ay ku jiraan masuuliyiin katirsna Dowlada Soomaliya.
warar sugan kala soco
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka