Daawo Sawirada: Meydadka ragii weeraray Xarunta Kafaalo oo Cadaado lagu soo bandhigay
18.06.2015 20:48Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay meydadka ragii weeraray Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado oo ciidamada ammaanka ay toogteen.
Raggan ayaa gaaraya afar ruux oo mid ka mid ah uu isqarxiyay, halka saddexda kalena ciidamada ammaanka Goobta ay toogteen, sida ay xaqiisay Wasaarada Amniga Gudaha.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa u sheegay Warbaahinta in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaasi oo ay toogteen saddex ka mid ah Xoogagii meesha soo weeraray.
Wuxuu sheegay Maxamed Yuusuf in weerarkaasi uusan ka dhalan wax khasaaro ah oo soo gaaray Ergada shirka Cadaado iyo sidoo kale ciidamada ammaanka ee weerarkaasi fashiliyay.
Goob banaan ah oo ku taallo Magaalada Cadaado, kuna dhaw Xarunta kafaalo ayaa lagu soo bandhigay meydadka raggaan maanta weeraray Xarunta Kafaalo ee Ergada Cadaado ay ku xareysan yihiin.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee Ismiidaamin iyo israsaaseyn toos ah oo Shabaabka ay ka fuliyaan Magaalada Cadaado, tan iyo markii Magaaladaasi uu ka biloowday shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka