Daawo Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu hor dhaariyay Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta

09.05.2015 13:46

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee Ciidammada Asluubta iyo Booliska S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii labanlaabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, la lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ,Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.






 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
runtanews.net
nagala soo xiriir
ganeyte5@gmail.com
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET