Daawo Sawirada Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku fashiliyay Qarax Miino oo Wadada dhinaceeda lagu aasay
08.03.2015 00:00Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa fashiliyay saakay qarax miino oo lagu aasay wadada hareeraheeda, kadib markii shacab ka agdhawaa halka miinada lagu aasay ay ku wargaliyeen Ciidamada booliiska.
Miinadan ayaa lagu aasay meel u dhaxeysa Xarunta Degmada Howl-Wadaag iyo guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad, waxaana la sheegay in miinadaasi ay wada dhinaceeda dhigeen rag baabuur watay oo goobta isaga baxsaday.
Shacabka ayaa ku wargaliyay Ciidamada booliiska miinada goobtaasi la dhigay ,waxaana durba halkaasi gaaray ciidamo katirsan booliiska gaar ahaan kuwa qaraxyada miinooyinka qaabilsan kuwaa oo ku guuleestay in ay kala fur furan miinadaasi.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo howlgalo kawada qeybo kamid ah Magalaada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku guuleestay in ay ka hortagaan qaraxyo dhoor ah oo la qorsheeyay in laga fuliyo qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
———
Tillbaka