Daawo Sawirada Cabdi Weli Gaas iyo Masuuliyiin kale oo si diiran loogu soo dhaweeyay Koonfurta Gaalkacyo
05.12.2015 19:50Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Xubno katirsan Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tagay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ay kataliso Maamulka Galmudug.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ,Wasiiro, iyo Madaxweynaha Maamulka Puntiland iyo xubno kale ayaa maanta tagay si weyna loogu soo dhaweeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo .
Cabdi Weli Gaas iyo Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta mar kale Quraac iyo kulan kuwada qaatay Hotelka FIVE STAR ee kuyaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankan looga hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaada Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Puntiland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta yimaado Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna tilmaamay in dhankooda diyaar u yihiin in ay nabad kuwada noolaadaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug oo isna ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in saacadaha soo aadan uu isna tagayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay Puntiland ka arimiso, waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay is dhaxgalka labada maamul iyo in nabad lagu dhameeyo colaadii Gaalkacyo.
Maanta ayaa la filayaa in ay dhaqan galaan inta badan qodobadii ay ku heshiiyeen labada Maamul ee Puntiland iyo Galmudug, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in lakala qaaday qeybo kamid ah Ciidamadiii isku horfdhaiyya Magaalada Gaalkacyo.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka