Daawo Sawirada: Booqashada Wasiirka Gaashaandhiga ee Degmada Baardheere
21.08.2015 08:58Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo maanta booqasho shaqo ku tegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo dhowaan ay gacanta qalafsan ee kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab ka xoreeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada ciidanka hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, waxana gegida diyaaradaha ee magaalada ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Jubaland Gen. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Farataag iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM.
General Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa markii uu booqday magaaladan istaraatiijiga ah, waxa uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Baardheere iyo saraakiisha Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM, waxana uu sidoo kale soo kormeeray xarumaha muhiimka ah ee magaalada sida buundada, isbitaalka , saldhiga dhexe iyo goobaha waxbarashada, isagoo sheegay in magaaladu ay si weyn dib ugu dhacsan tahay, isla markaana loo baahan yahay in gacan laga geysto dib u hawlgelinta xarumaha Dawladda iyo adeegyada danta guud ee magaalada.
Wasiir Diini waxa uu ugu baaqay Dawladda Dhexe iyo Beesha Caalamka inay dadweynahaha diifaysan ee magaalada u fidiyaan gargaar bani aadantinimo si wax looga qabto nolosha dadka iyadoo laga jawaabayo baahiyahooda. Wasiirlku waxa dadka degaanka uga mahadnaqay dhiiranaanta ay sameeyeen si ay u gacan siiyaan ciidamada dawladda ee magaalada ka xoreeyey kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, isagoo sidoo kale bogaadiyey geesinimada iyo adkaysiga ciidamada qaranka ee aaggaasi ka hawlgelayey oo aan wax mushahar ah qaadan sanooyinkii ugu danbeeyey, laakiin aan ka tegin shaqada qaranka iyo u adeegidda dadkooda oo maanta ku naaloonaya xorriyad iyo nolol ka wanaagsan tii sharwadayaasha Alshabaab.
Wasiirka oo ka hadlaayay booqashadiisa Baardheere waxa uu yiri: “Marka kowaad waxaan u mahadcelinayaa dadka degaanka, ciidamada qaranka iyo saaxiibada AMISOM oo iska kaashaday sidii ay u xorayn lahaayeen magaalada muhiimka u ah dalka Soomaaliya. Ciidamada keligood waxba ma qaban karaan ee waxay taageero joogta ah ka helayeen dadweynaha reer Baardheere.”
“Maanta waxaan booqday xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee magaalada, runtiina wax aka muuqday daryeel la’aan iyo in ay dib u dhacsan yihiin. Sidoo kale, dadka waxaa ka muuqda diif iyo daal ka dhashay gacantii adkayd ee arxanlaawayaasha Shabaab.”
“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Dhexe iyo Beesha Caalamka inay gargaar bani aadantinimo oo degdeg ah la gaaraan magaalada, gaar ahaan dhinaca adeegyada dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada si loo fududeeyo gargaarka la fidinayo, waxana hadda aan rasmi u sheegayaa in garoonku uu furan yahay oo laga soo dagi karo maanta wixii ka danbeeya.”
“Waxaa xusid mudan in ciidamada qaranka ee ka hawlgalayey degaanka aysan sanooyinkii ugu danbeeyey wax xuquuq iyo mushahar ka helin dawladooda, laakiin sameeyey adkaysi iyo dhabar-adeeg si au u gutaan waajibkaan qaran ee maanta guushiisa la mahadiyay.”
Waxaan balanqaadayaa in ciidamadan ay helayaan xuquuqaha ay leeyihiin ciidamada qaranka ee qaybaha kale ee dalka ka dagaalamaya sida mushaharka, saadka iyo agabka dagaalka.
Wefdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga ee maanta booqday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaa k amid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Labada Gole ee dowladda.
———
Tillbaka