Daawo Sawirada '' Ardaydii ugu badneyd oo ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir
17.10.2015 09:24Arday tiradoodu gaareyso 132 dhaqtar kana qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ayaa maanta xaflad loogu qabtay xarunta Jaamacadan ee magaalada Muqdisho.
Xafladan oo aheyd mid ardayda qelin jebisay oo 24 kooxood loo qeybiyey ay ku difaacanayeen buugga qelin jebinta ayaa waxay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.
Waxaa munaasabadan ka qeyb galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Hormuudka kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo munaasabadaas ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydan qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir wax qali kara, daweyna kara, isagoo xusay in ardaydan ay muujiyeen dedaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta ka baxday Jaamacadaha caalamka maadaama buu yiri ay heystaan shahaado caalamka laga aqoonsan yahay.
“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada jaamacada Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhowaaqo in 132 arday ay ka qelin jebiyeen kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir” Dr. Biday oo halkaas ka tiriyey magacyada 26 arday oo galay darajada A & A+, isagoo xusay inuu kaalinta koowaad ku guuleystay arday magaciisa la yiraahdo Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu hambalyada iyo farxada uu la wadaagayo ardayda ka qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka oo uu sheegay iney yihiin kuwii ugu badnaa ee mar kaliya ka qelin jebiya kuliyadda Caafimaadka mudadii 12-ka sano aheyd ee ay jirtay Jaamacadda Banadir taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda iyo calaamad muujineysa horumarka ay ku talaabsatay.
“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay jaamacada Banaadir ka qelin jebiyeen dufcadii 8aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday, Sideeda dufcadood marka la isku geeyana waxaa Jaamacaddu soo saartay 420 dhaqtar, wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Dalmar oo ardayda qelin jebisay kula dardaarmay iney aqoontooda dhaqtarnimo sii kordhiyaan aysana maskaxdoda gelinin in waxbarashadu ay halkaas ku egtahay, wuxuuna xusay in ardayda qelin jebisay kuwa kaalimaha hore galay ay Jaamacaddu siin doonto deeq waxbarasho oo ay ka heli doonaan qeybta waxbarashada sare ee Post Graduate-ka.
Gudoomiyaha Muasasada Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadda Banaadir ay buuxisay kaalintii jaamacadda Umadda ee xiligii beri-samaadkii dalka ka jirtay.
“Jaamacaddii ummada oo dowlad awood leh ay gacanta ku heysay 10-kii sano ee ay jirtay waxay soo saartay 497 dhaqtar, Jaamacada Banaadir oo 12 jirsatayna waxaa ka soo baxay 420 dhaqtar dedaalka Jaamacadu muujisay ayey tani astaan u tahay” ayuu yiri Dr, Bushkuleeti oo ardayda qelin jebisay ku booriyey iney bulshadooda wax ugu qabtaan aqoonta ay barteen.
Prof/Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka tirsan aasaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada Banaadir ayaa sheegay ardayda ka qelin jebisay kuliyada Caafimaadka Jaamacada Banaadir ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan maadaama kuliyadaas ay ku kulmeen macalimiintii ugu badneyd ee wax ka dhigi jiray Jaamacada umadda.
“Anigoo ku hadlaya magaca gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliyeed iyo guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamanka, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa ardayda qelin jebisay oo ah tiradii ugu badneyd abid ee mar kaliya ka qelin jebisa jaamacad ku taala geyiga Soomaaliya, wax yar ka hor arday baad aheydeen, laakiin hadda waxaad tihiin dhaqaatiir xili culus ayaana dusha idinka fuulay” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.
Waxa uu sheegay in Jaamacada Banaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, wuxuuna xusay in jaamacadu ay guul u tahay in 12 sano ka dib aasaaskeeda ay soo saartay 420 dhaqtar taasoo uu sheegay in jaamacada iyo dhaqaatirta aasaaasayba ay baal dahab ah kaga galeen taariikhda, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.
Waxaa sidoo kale munasabadan hadalo kooban oo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey xubno ku hadlayey magaca ururo ay leeyihiin ardaydii horey uga soo qelin jebisey jaamacada Banaadir iyo aqoonyahano kale, waxaana munasabadan ay ku soo gebagebowday jawi farxad fara badan ay ku dheehan tahay.
Xafiiska Shabakada runtanews.net
Muqdisho Somalia
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka