Daawo Sawir lagu Cabiray Siyaasiga ay Dowlada Itoobiya la rabto in uu Madaxweyne ka noqdo Gobolada Dhaxe!!

30.03.2015 12:59

Waxaa si xowli ah u socda qorshe la doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya , waxaana Maamulkaasi in ay Madaxweyne ka noqdaan isku soo sharaxay Siyaasiyiin dhoor ah kuwaa oo qaarkood taageero kala duwan ka helaya Dowladu shisheeye iyo Ururo .

Dowlada Itoobiya oo saameyn badan ku leh dhismaha Maamul goboleedyada dalka ka dhisan ayaa markaana dooneysa in Maamulka Gobolada Dhaxe Madaxweyne looga dhigo Siyaasi ay wataan kuna shaqeyn kara Siyaasadooda.



Axmed Cabdi Salaan oo hada ah Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya ayaa doonaya in uu Madaxweyne ka noqdo Gobolada Dhaxe , waxaana Siyaasigan wata oo garab ku siinaya hamigiisa Hogaaminta Gobolada Dhaxe Dowlada Itoobiya uu saaxiib dhaw la yahay.

Dowlada Itoobiya ayaa saameyn badan ku leh Maamulada hada Dalka ka dhisan sida Puntiland, Jubba, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Maamuladaasi Hogaamiya rag ay raali ka tahay Dowada Itoobiya kuna shaqeeya Siyaasada ay rabaan.

 

 

 

xigasho aminarts

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET