Daawo Muuqaal "Shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlaayey iyo Madaxdii ka hadashay Shirkaasi iyo Qabkii oo u dhacay!!
24.02.2016 15:15Shirka arimaha Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Istanbuul ee dalkaas Turkiga iyadoona ay shirkaas ay ka soo qeyb galeen madax iyo wufuud kala duwan oo ka kala socoto wadamada aduunka.
Shirkan oo ka socda Hoteelka Conrad ee magaalada Istambul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay beesha Caalamka iyo wadamada qusaaya arimaha Soomaaliya, shirkan ayaa waxaa looga hadlaayey arimo ay ka mid yihiin doorashada sanadkaan la filaayo inay ka dhacdo dalka soomaaliya iyo arimo kale oo ay ka mid yihiin sidii loo taageeri lahaa dalka Soomaaliya, Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo furitaankii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa waxaa uu ka hadlay taageerada ay dowlada dalkaas Turkiga ay siiso dalka Soomaaliya asagoona ku faanay mashaariicda ay ka hirgaliyeen dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina iyadoo shirkaas uu si habsami ah uga socda dalkaas Turkiga ayaa waxaa kale oo ka hadlay shirkaas madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Shirkaan oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen wafdi baalaran oo ka socda dowlada Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ka qeybgalaayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Puntland oo asagana la filaayey inuu ka qeyb galo shirkas maadaama lagu casuumay ayaa asaga ka baaqday shirkaas asagoona u anbabaxay magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka.
xigasho allbanaadir
warar sugan kala soco runtanews-net
———
Tillbaka