Daawo Muuqaal "Qaabkii oo u dhacay weerarkii lagu qaaday Paris & Madaxweynaha Faransiiska sidii looga saaray Garoonka .
16.11.2015 13:16Tv-ga Euro News ayaa warbixin ka diyaariyay qaabkii uu u dhacay weerarkii qorsheeysnaa ee lagu qaaday magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska waxaana muuqaalkaan ka dhex muuqda madaxweynaha dalka Faransiiska iyo sidii looga saaray garoonka kubada cagta .
Halkan ka Daawo Qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Paris & Madaxweynaha Faransiiska sidii looga saaray Garoonka
Qaraxii ugu horeeyay oo ka dhacay afafka hore ee garoonka kubada cagta ee (Stade de France) oo ay ku wada ciyaarayeen xulalka Faransiiska Vs Germany ayaa waxaa garoonka Qaraxa laga dhex maqlay xili ay ciyaarta socotay 16-daqiiqo waxaana durbadiiba si farsameeysan garoonka looga saaray madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Francois Hollande iyo madaxdii kale ee la socotay .
Sidoo kale Muuqaalkaan ayaa tilmaamaya guud ahaan goobihii kale ee la weeraray sida Tiyaatarkii uu bandhig faneedka ka socday kaas oo qasaarihii ugu badnaa uu ka dhacay . Weerarkii lagu qaaday magaalada Paris oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhintay 129-qofood halka dhaawacana lagu sheegay 352-qof .
isha banaadir.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka