Daawo Muuqaal Daacish oo dhib weyn u soo jiiday dadkii u Tahriibi jiray Talyaaniga & Mareeykanka oo ka digay !!

08.03.2015 18:28

Waxaa dhib weyn la soo gudboonaaday dadkii Tahriibayaasha ahaa ee ka dhoofi jiray xeebaha ku yaala dalka Liibiya kuwaas oo si sharci daro ah ku gali jiray dalka Talyaaniga iyo Jasiirada Malta . 

Daawo Muuqaal Daacish oo dhib weyn u soo jiiday dadkii u Tahriibi jiray Talyaaniga & Mareeykanka oo ka digay

Gudaha dalka Liibiya waxaa maalmahaan dambe ka dilaacay awood sii kordheysa oo ay la soo baxeen maleeshiyaadka ururka Daacish kuwooda ka dagaalama magaalooyin ku yaala dalka Liibiya. Wadamo badan oo Carab ah ayaa shir ka yeeshay sidii dowlada Masar looga gacan siin lahaa soo afjarida iyo weerarada lagu hayo maleeshiyaadka Daacish-ka Liibiya oo dad badan goowracay. 

Dhanka kale Dowlada Mareeykanka ayaa digniin deg deg ah u dirtay dowlada Talyaaniga oo bil kasta qaabisha qaxooti aad u fara badan oo wadanka Liibiya soo mari jiray . Mareeykanka ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya kooxo ka tirsan Daacish-ka Liibiya oo isku dhex dari doona dadka Tahriibayaasha ah waxaana lagu sheegay inay Qaraxyo ka geeysan doonaan wadamo ku yaala Qaarada Yurub.

 
Shabakada Runtanews.net
Xafiiska Swedan.
ganeyte5@gmail.com
 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET