Daacish oo ''tahriib lagu geeyo Yurub''
18.05.2015 08:52
Dagaalyahanada Daacish waxaa tahriibiya kooxo burcad ah waxaana la geeyaa Yurub iyaga oo la sii mariyo badda Mediterranean-ka, sidaas waxaa BBC-da u sheegay qof lataliye u ah dawladda Libya.
Cabdul Basit Haaruun waxa uu sheegay in dadka wax tahriibiya ay dagaalyahanada ku dhex qariyaan doomo ay tahriibayaal ka buuxiyeen.
Dawladdaha Talyaaniga iyo Masar ayaa horay uga digay in malayshiyada Daacish ay Yurub ku gaari karaan doomaha tahriibayaasha.
Sikastaba ha ahaatee , Khuburadu waxa ay sheegayaan in ay aad u adagtahay in la cadeeyo ama la tixraaco sheegashooyinkaas oo kale.
Haaruun sheegashadiisu waxa ay ku salaysantahay wadasheekaysi uu la yeeshay dadka wax ka tahriibiya qaybo ka mid waqooyiga Afrika oo ay gacanta ku hayaan malayshiyadu.
Waxa uu ku eedeeyay Daacish in ay dadka doomaha leh u ogolaanayaan in ay shaqada tahriibinta sii wataan si ay iyaguna uga faaiidaan.
Xigasho BBC.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka