Ciidanka Militariga ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku dilay Taliyihii Nabad Suggida Degmada Afgooye.

20.06.2015 10:30

Liibaan Abuukar Yarow, Taliyihii Nabad Suggida Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa Jimcihii shalay lagu weeraray duleedka Degmada Afgooye, xilli gawaari uu la socday jidka loo galay.

 

Gawaarida Taliyaha, ayaa waxaa lagu weeraray meel ku dhow deegaanka Muuri, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye, iyadoona ay wadada u galeen Ciidanka Militariga Gobolka Shabeellaha Hoose

 

Taliyaha oo dhaawac culus uu weerarkaasi ka soo gaaray, ayaa waxaa la keenay Isbitaalka Degmada Afgooye, si wax looga qabto caafimaadkiisa, hase ahaatee uu xalay ugu geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray weerarkaasi.

 

Saraakiisha Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaan wax war ah ka soo saarin dilka Taliyihii Nabad Suggida Degmada Afgooye. Dilkan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Ciidamada Militariga ay mushaar la’aan ka qaylo dhaaminayan.

 

Ciidanka Dowladda, ayaan wax mushaaraad ihi ka helin Xukuumadda Somaliya muddo lix bilood ah. Ciidamada waxay marar kala duwan sameeyen gadood ka dhan ah mushaaraad xumo.

warar sugan kala soco

shabakada caalamiga

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET