Ciidamo Gaar ah oo wata Eeyo tababaran oo la geeyay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)
15.02.2016 20:16Iyadoo aad loo adkeeyay amaana Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta Garoonka kormeer ku tagay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.
Taliyaha iyo Saraakiishii la soctay ayaa socdaal ku dhexmaray Garoonka iyaga oo indha in dheynaaya xaalada amni iyo qaabka ay u kala socdaan duulimaadyada waxa uuna halkaasi kula kulmay Saraakiisha ku qorneyd Howsha xiligaasi ka soctay Garoonka.
Taliyaha waxa uu warbixino dhanka amniga ah ka dhageystay Saraakiisha qaar ee ka howlgasha Garoonka, waxa ayna ishu qabaneysay mudada uu Taliyuhu ku howlanaa Kormeerka Eeyo dhowr ah oo ka qeybqaadanaayay sugida amaanka Garoonka kuwaasi oo qaba tababar dhanka fashilinta wax waliba oo carqalad galinkara amaanka Sida Hubka, Kiimikada iyo maandooriyaha halista ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale mahad u jeediyay Ciidamada Booliska ee ku howlan sugida amniga Garoonka, waxa uuna kula dardaarmay inaysan ka mashquulin howsha loo idmaday.
Kormeerida Taliyaha Booliska ee Garoonka ayaa kusoo beegmeysa xili 2-dii bishan uu Qarax ka dhex dhacay Diyaarada Daalo oo xiligaasi ku howlaneyd duulimaadkeeda.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka