Ciidamada Puntland oo qabtay Doomo Shidaal u waday dalka Yemen (SAWIRRO)

13.06.2015 10:23

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Doomo, Shidaal sharcidaro ah u qaadayay dalka Yemen oo xilligaan ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Xoogaga Xuutiyiinta iyo Isbaheysiga Sucuudiga uu hogaaminaayo.

Taliya Booliska Boosaaso Cabdi Xakiin  Yuusuf Xuseen oo Saxaafadda kula hadlaayay halkii doomahaan lagu soo bandhigay ee Dekada Magaalada Bosaaso, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka xeebaha Puntland ay ku guuleysteen soo qabashada doomahaan.

Wuxuu sheegay in doomahaan ay gaarayaan ilaa afar doonyo oo gedigooda ay ku raran yihiin fuustooyin ay ka buuxaan Shidaal la doonaayay in si sharcidaro ah lagu geeyo dalka Yemen.

Doomahaan ayeey ciidamada kasoo qabteen deeganada  Dekatu Raxmaan, Buur iyo Bacaad , Shimbiro iyo Mareero.

Taliyaha Booliska ee Magaalada Boosaaso, ayaa ku waramaayo in sharciga la waafajin doono ganacsatadii u rarneyd doomahaan ee shidaalka u waday dalka Yemen.

Yemen kolkii hore waxaa laga keeni jiray shidaalka laga isticmaalo deeganada Maamulka Puntland, waxaana qiimaha shidaalka deeganadaasi uu ahaa mid hooseeyo, maadaama shidaal badan dhanka Yemen uu uga imaan jiray.

Dagaalada ka socda dalka Yemen ayaa waxa ay saameyn ku yeeshay dhamaan adeegyada Bulshada, maadaama diyaaradaha Isbaheysiga ay garaacayaan goobaha Xuutiyiinta ay ku sugan yihiin.

Doomo 1 Doomo 2 Doomo 3 Doomo 4 Doomo 5


Wararkeena kala soco runtanews.net
Nagala soo xiriir 
ganeyte5@gmail.com
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET