Ciidamada Puntiland oo qabtay Dooni ay saarnaayeen in ka badan 100-qof oo Tahriibayaal ah(Daawo Sawirada)

14.03.2015 10:29

Ciidamada Badda Maamulka Puntiland oo gacan ka helayay Ciidamada booliiska Bari ayaa gacanta kusoo dhigay dooni ay saarnaayeen in ka badan 100-qof oo Tahriibayaal ah kuwaa oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Tahriibayaashan oo tiradoodu gaareyso 106-qof ayaa lasoo qabtay xili ay ku safraayeen dooni yar oo kusii jeeda Xeebaha Dalka Yaman, waxa ayna dadkan ujeedkoodu ahaa in ay gaaraan Yaman si ay uga sii gudbaan Dalka Sacuudiga iyo Dalal kale oo Carbeed.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye, oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigayay Dadka Tahriibayaasha ah ee la qabtay ayaa sheegay in ay sii socon doonto howlaha ay kula dagaalanayaan Tahriibka.

Admiral C/risaaq Diiriye, ayaa sidoo kale xusay in ay gacanta ku hayaan ragii watay doonta la qabtay iyaga oo wax tahriibinaya,waxa uuna tilmaamay in ragaasi sharciga la horgeyn doono si loogu qaado dambiga loo heesto.

Xeebaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntiland waxaa ka baxa doonyo yar yar oo qaada dad Tahriibayaal ah oo kusii jeeda Dalka Yaman, waxaana marar badan Badda u dhaxeysa Yaman iyo Soomaaliya ku dhintay kumanaan qof oo Soomaali ah kuwaa oo qaarkood badda lagu tuuray halka kuwa kalana ay la qalib matay doonidii ay saarnaayeen.




 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET