Ciidamada kenya oo leynaya shacabka Gedo iyo Madaxweyne Xasan Shekh oo ka qeyb galay Baroor diiqdii loo sameeyay Ciidankii Kenya looga laayay Ceel Cadde
27.01.2016 23:04Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Eldoret ee dalka Kenya waxa uu kaga qeyb galay munaasabad baroor diiq ah oo loo sameenayay ciidankii dhawaan Dowlada Kenya looga laayay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Munaasabada baroor diiqda oo aheed mid si weyn loo soo agaasimay kana dhacday xero milatari oo kutaala magaalada Eldoret ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha dalka Nageria Muhammadu Buhari iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay Munaasabada baroor diiqda ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo Dowlada Kenya askartii dhawaan Al-Shabaab uga laayeen deegaanka Ceel Cadde.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Dowlada Kenya ay gacan siisay shacabka Soomaaliyeed ee dalkeeda jooga iyo kuwa gudaha Soomaalia ku sugan, waxa uuna tilmaamay in askarta Kenya laga dilay ay geeriyoodeen iyaga oo gacan siinaya umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya baroor diiqda uu dalka Kenya u aaday ayaa noqotay mid ay si weyn uga hor imaadeen dadka Soomaaliyeed, waxaana si weyn arintan looga hadal hayaa baraha ay kuwada xariiraan bulshada sida Facebook.
———
Tillbaka