Ciidamada Faransiiska oo la tuhmayaal toogtay (Daawo Sawirada)

18.11.2015 13:10

Ciidamada amaanka Faransiiska ayaa saakay weerar ku qaaday guri ay degnaayeen dad lagu tuhmayay in ay katirsan yihiin Kooxda Islaamiga Daacish ayna ka qeyb qaateen weerarkii dhawaan ka dhacay Goobo katirsan Magaalada Paris.

Ciidamada ayaa iska hor imaad kala kulmay gurigii ay weerarka ku qaadeen waxaan halkaasi ka dhacay is rasaaseyn mudo socotay, iyadoona ay jiraan qasaarooyin kala duwan oo ka dhashay howlgalkaasi.

Inta la xaqiijiyay Ciidamada amaanka ayaa toogtay labo nin oo kamid ahaa ragii la tuhunsanaa ee ku jiray guriga la weeraray, waxaa sidoo kale is qarxisay haweeney iyana ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada amaanka Faransiiska ayaa baadi goobayay xubno muhiim ah oo la tilmaamay in ay maleegeen weerarii habeeno kahor ka dhacay Magaalada Paris, lamana shaacin dadka ay yihiin xubnhan maanta ay dileen Ciidamada Faransiiska.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay afar nin iyo haweeney iyana la tuhunsanaa, waxaana wali socda howlgalo kale oolagu baadi goobayo xubno eedeesanyaaal ah.

Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Paris gara ahaan agagaarka Place Jean Jaures ee ku taalla xaafadda Saint Deni ayaa la xiray, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamo iyo gaadiidka gurmadka deg dega.

Xaalada Magaalada Paris ayaa maanta mar kale u muuqatay mid qasan oo rasaas iyo qarax laga maqlayay, waxaana qeybo badan oo kamid ah Magaalada lagu arkayaa Ciidamada amaanka oo howlgalo wada.






 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET