Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaano u dhaxeeya Beledweyn iyo Buulo Burde

21.03.2015 11:10

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo AMISOM oo labo jiho ka kala baxay ay ku dhow yihiin degmada Buulo Burde oo muddo sanad ah ku jirtay xaalad go’doon ah.

Ciidamadan ayaa galbinaya gawaari sida raashin gargaar ah oo loogu tala galay dadka ku dhaqan Buulo Burde, kuwaasoo mudooyinkii la soo dhaafay dhibaatooyin xaga nolosha ah ay heysteen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay inay ka gudbeen deegaanka Buq aqable oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeed kaga beegan Beledweyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay intii ciidamada ay wadada ku jireen ay la kulmeen iska hor imaadyo iyo weeraro dhaba gal ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada oo dhinaca laamiga ku baxay ayaa qorshahooda yahay inay saldhigyo ka sameystaan deegaano u dhaxeeya Beledweyn iyo Buulo Burde, si ay u suura gasho isu gudubka labada magaalo.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo la socda qeyb ka mid ah ciidamada labada jiho ku baxay ayaa sheegay in ujeedkooda yahay inay go’doonka ka qaadaan Buulo Burde.

Ciidamada dowladda iyo ciidanka Jabuuti ee AMISOM qeybta ka ah ayaa bishii Maarso ee sanadkii hore la wareegay degmada Buulo Burde, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay magaalada ay go’doon gashay, markii wadooyinka sahayda u mari lahaayeen ay jareen Al-Shabaab.

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah 

kala soco runtanews.net

nagala soo xiriir ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET