Carwada caalamiga ah ee buugaagta Muqdisho oo maanta la soo gebagebeeyay

29.08.2015 09:55

Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyay Carwaada Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho oo Caasimada dalka ka socotay labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaana ka qeybgalay xafalada lagusoo xirayay Bandhiga Buugaagta Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaano katirsan Baarlamanka Jamhuuriyada Somaaliya ,Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ,qorayaashi Buugaata soo bandhigayay iyo Boqolaal dadweyne ah oo u badnaa aqoonyahano iyo Arday wax kabarta Jmcdaha Muqdisho.

Intii uu socday Bandhiga Bugaagta ee 25-sano kadib lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa lagusoo bandhigay Buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal Somaaliyeed islamarkaana ka hadlaya arimo ay kamid yihiin Ganacsiga,siyaasada,dhaqanka, iyo hormarinta Af-Somaaliga waxaana la arkay dadweyne iibsanaya buugaagtaasi.

Qaar kamid ah Qorayaashii ka qeybgalayaq Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta ee maanta lasoo gabagabeeyay ayaa warbahainta u faahfaahiyay nuucyada buugaagta ay diyaariyeen iyo muhiimada ay bulshada u leeyihiin.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  bogaadiyay Bandhiga Buugaagta ee lagu qabtay Caasimada Muqdisho wuxuuna sheegay in Bandhigaasi uu guul uga dhigan yahay dadka Somaaliyeed.

Qoraaga Axmed Faarax Cali idaajaa oo isagana Book kusoo bandhigay Carwada Caaalamaiga ee bugaagta Muqdisho ayaa mar uu munaasabadda ka hadlayay soo qaatay Maah-maahyo iyo sheekooyin soojiitay ka qeybgalayaahsa xafladda wuxuuna intaasi kadib soojeediyay in lagu dadaalo ilaalinta Af-Somaaliga.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ahaa dadkii Buugaagta ka iibsaday Carwada ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto bandhiga Buugagata ay sabab tahay isbedelka dhinaca Amniga ah ee laga sameeyay Caasimadda.

Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho oo furitaankiisa uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud islamarkaana lagusoo Bandhigay Buugaag farabadan oo ay qoreen Qorayaal Somaaliyeed oo isaga kala yimid gudagha dalka iyo Dibadda ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay waxayna tani tusaale u tahay hormaraka kajiro Caasimada Muqdisho.

warar rasmiya waxaad kala soco taa runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET