Carabta oo isku raacay dhismaha ciidamo mideysan

30.03.2015 13:33

Shirka Carabtaruntanews.net> Bayaan kasoo baxay shir madaxeedkii 25-aad ee Wadamada Carabta ee magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha Carabtu go’aamiyeen in la dhiso ciidan Carbeed oo mideysan, kuwaasoo ka hortaga dhibaatooyinka, islamarkaana ilaaliya Amniga qowmiga ah ee Carabta.

Dr. Nabiil Alcarabi oo ah Xoghayaha Guud ee ururuka Jaamcadda Carabta ayaa sheegay in ka mid noqoshada ciidamadaas Carabta ay tahay mid dal kasta u madax banaan yahay, iskana dhaafi karo.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dalka Ciraaq uu ka gaabsaday inuu ansixiyo qodobka lagu dhisayo ciidamada mideysan ee Carabta ee ku jira bayaanka.

Wasiirada arrimaha debadda Carabta ayaa horay u ogolaaday soo jeedin ka timid dalka Masar oo ku talimeysan in la dhiso ciidamo Carbeed oo mideysan.

Qorshaha ayaa dhigaya in Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta uu bil gudaheed isu keeno saraakiil milateri oo ka socda dalalka Carabta, si loo dhiso ciidamadaas.

Sidoo kale, waxaa qorshuhu qeexayaa in muddo 3 bilood ah Golaha Amaanka Carabta saraakiishu u gudbiyaan natiijada wada-hadalkiida.

Bayaanka kasoo baxay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa lagu taageeray Howlgalka Milateri ee Sacuudigu horkacayo ee lagu qaaday Xuuthiyiinta Yemen.

Wuxuu Bayaanku kooxda Shiicadaha ee Xuuthiyiinta ugu baaqay iney ka baxaan magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo xarumaha dowladda, islamarkaana hubkooda ku wareejiyaan dowladda sharciga ah.

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET