Cabdi Qeybdiid “Dad aan dhaqan aheyn oo Muqdisho laga keenay ayaa laga dhigay odayaal dhaqameed”

30.04.2015 11:07

Bildresultat för abdi qaybdiidMadaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay fara gelin qaawan ku heyso shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka socda magaalada Cadaado.

“Dad Xamar laga keenay oo aan dhaqan aheyn ayaa waxay galeen booskii oday dhaqameedyada, waana wax laga xumaado in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay siiyeen aqoonsi ah nabadoonka reer hebel”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo la hadlayay BBC-da.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay shirka ku heyso caqabad, isla markaana ay aheyd in oday dhaqameedyada saxda ah loo daayo inay shirka maamulaan.

“Dowladdu waxay fara gelin qaawan ayay ka dhex wadaa shirka maamul u sameynta, dowladda waa ka dhega fureysatay baaqeena, wax walbana waa is kala weyn tahay, waxaa u muuqda danaha siyaasadeed ay leedahay”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in sababaha loo kala diray Guddigii Farsamada ay tahay in Guddigu ay shirka marin habaabin ku wadaan, taasna ay keentay inay ka caroodaan saxiixayaasha iyo odayaasha dhaqanka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu beeniyay eedeynta ka timid mid ka mid ah saxiixayaasha, waxaana meesha looga saaray in fara gelin ku hayaan shirka, iyadoo lagu cadeeyay in Guddiga farsamada ay yihiin guddi madax banaan, awood buuxdana u leh inuu go’aan ka gaaro mas’uuliyadda loo igmaday, isla markaana u tababaran inuu guto waajibaadka loo xil saaray.

Si kastaba ha ahaatee caqabadahan cusub ee ku soo kordhay shirka maamul sameynta Gobollada Mudug iyo galgaduud ayaa noqon kara mid dib u dhigi kara howlihii maamul u sameynta ee la filayay in dhowaan la guda gallo, lana doorto Madaxweyne.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET