C/wali Gaas “Waxaa hubaal ah in xuduuda Puntland noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel”

01.07.2015 19:43

C/wali Gaas “Waxaa hubaal ah in xuduuda Puntland noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel”Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali “Gaas” ayaa ku hanjabay xuduuda Maamulka Puntland uu la leeyahay Maamulka Galmudug inay noqon doonto deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somalia.

C/wali Gaas oo xalay khudbad ka jeedinaayay Munaasabada 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Garoowe, ayaa wuxuu sheegay in hadii aan la joojin faragelinta lagu haayo deeganada Maamulka Puntland, xuduuda Maamulka Puntland ay noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel.

” Waxaa hubaal ah in xuduuda Puntland noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel haddii aan la joojin faro galinta lagu haayo dhulka Puntland.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Waxa kale uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland in marnaba aysan gor gortan ka geli doonin Madaxbanaanida Maamulkooda iyo xasiloonida deeganadooda.

“Puntland nabadeeda iyo horumarkeeda midna gorgortan kala gelimayso maamul gacan ku rimis ah oo dowladda Federaalka dabada ka riixayso, waana ku kalsoonahay in qof kasta oo Puntland ah uu nabad ku seexdo, kana daali mayno raadinta Soomaali midaysan,” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee dalka laga rabo inay wax ka bedesho sida ay u taageerayso Maamulada jabiyay Dastuurka KMG ah ee dalka sida uu yiri.

Maamulka Galmudug ee dhismihiisa weli uu ka socdo Magaalada Cadaado, ayaa Dastuurka waxaa ugu qoran in xuduuda uu la leeyahay Maamulka Puntland inay tahay Gobolka Nugaal.

wararsugan kalasoco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET