Boqorka Sacuudiga oo diiday inuu ka qeyb gallo shirka Mareykanka iyo Dalalka Khaliijka

11.05.2015 11:10

Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la wareegaya xilka Boqorka dalka Sacuudiga CarabiyaBoqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salman ayaa diiday inuu ka qeyb galo shirka ka dhici doono Camp David ee dhex mari doona Mareykanka iyo wadamada Khaliijka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Adel Al-jubeir ayaa xaqiijiyay in aanu Boqorka ka qeyb geli doonin shirka uu ku casuumay Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo su’aal badan la gelinayo xiriirka Riyadha iyo Washington.

War ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa lagu sheegay in shirka furmi doono maalinta Khamiista aanu Boqorka ka qeyb geli doonin, iyadoo taa bedelkeed ay ka qeyb galayaan Dhaxal sugaha Boqortooyada Mohammed Bin Nayef oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wiilkiisa oo ah kuxigeenka dhaxal sugaya Mohamed Bin Salman ahna Wasiirka Gaashaandhiga.

Madaxweyne Obama ayaa qorsheynayay in Boqor Salmaan uu la yeesho kulan fool ka fool ah, ka hor inta aanu furmin shirka xulafada Carabta iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa doonaya in saaxibadiisa wadamada Khaliijka inuu ku qanciyo heshiiska Nuclear ee Iiraan lala galay, waxaana dalalka Khaliijka ay u arkaan awooda Iiraan ee Gobolka mid halis ah
Boqorada wadamada Qatar iyo Kuwait ayaa sidoo kale diiday inay shirka ka qeyb galaaan, waxaana taa bedelkeed ay iyana u direen Wakiilo.

Xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa weeraro cirka ka wada dalka Yemen, iyadoo Mareykanka uu taageeray, waxaana Sacuudiga uu soo jeediyay xabad soo joojin maalinta berri bilaabaneysa oo ku aadan arrimo bani’aadanimo awgeed.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET