Boko Xaraam oo isbahaysi la gashay Daacish

08.03.2015 17:03

Kooxda islaamiga ah ee Boko Xaraam ee ka dagaalanta Waqooyiga Bari ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in ay u hoggaansatay kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Boko Xaram ayaa go’aankaasi ku shaacisay cod la duubay oo lagu baahiyay barta ay kooxda twitter-ka ku leedahay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo weeraro ay kooxda qaaday shalay ay ku dhinteen in ka abdan 50 qof.

Fariinta codka ah oo aan weli la xaqijin waxa ay u muuqataa in codkaasi uu yahay kan hoggaamiyaha kooxdaasi Ababubar Shekau.

Kooxdan waxay noqonaysaa tii ugu dambaysay oo u hoggaansanta ama sheegta in ay isku dhiibtay kooxda Daacish, iyadoo markii hore la aaminsanaa in kooxda boko haram ay xiriir la lahyd kooxda Al-qaacida.

Boko Xaraam, waxay bilawday ololaheeda rabshadaha 2009-kii iyadoo isla markaasna xukunka shareecada Islaamka ay ku soo rogtay waqooyiga dalka Nigeria.

Shabakada Runtanews.net

Xafiiska Swedan

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET